Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kasoo horjeestay go'aankii odayaasha dhaqanka ee ahaa in tirada xildhibaannada baarlamaanka la kordhiyo lana gaarsiiyo 275-xubnood halka markii hore la qoondeeyay in laga dhigo 225-xubnood.
Mudane C/weli Gaas ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho aysan awood u lahayn inay bedelaan tirada xubnaha baarlamaanka, laakiinse ay soo jeedin karaan oo keliya fikirkooda hoggaamineed.
"Waa in la caddeeyo, odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ku shirsan waxay soo xuli karaan oo keliya xildhibaannada, balse awood uma lahan inay tirada kordhiyaan. Waxayse xaq u leeyihiin inay fikirka soo jeediyaan," ayuu ra'iisul waasaaruhu yiri.
Hoggaamiyeyaasha dhaqanka oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay go'aan ku gaareen in tirada xildhibaannada baarlamaanka lagu kordhiyo 50-xubnood lagana dhigo 275-xubnood, iyagana ay noqdaan gole sare.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa sheegay in baarlamaanka aan loo baahnayn in lagu kordhiyo tiro kale isagoo yiri. "Tirada kuraasta baarlamaanka looma baahna in la kordhiyo, sababtoo ah hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayaa dhowr jeer oo ay shireen waxay go'aamiyeen in tirada laga dhigo 225-xubnood."
Baarlamaanka cusub ee soo socda ayaa waxaa lagu soo xulayaa nidaamka awood-qaybsiga DKMG ah ee 4.5-ka ah, wuxuuna bedeli doonaa baarlamaanka hadda jira oo ka kooban 550-xubnood.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kasoo horjeestay Go'aankii Odayaasha Dhaqanka ee ahaa in la kordhiyo Kuraasta Baarlamaanka
More News
- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa galabta la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Malez Zenaw
- Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowlada Somalia oo sheegay in Guddiga Dastuurka uu xiligoodii dhamaaday
- Kulan saraakiil Itoobiyaan ah iyo Maamulka Ahlusunna uga socda Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud
- Ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo oo lagu wareejinayo Ammaanka garoonka Diyaaradaha Degmadaas
- Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Itoobiya ugu dhoofay wadahadallo uu la yeesho Ra'iisul Wasaaraha Dalkaas
- Xaalado nolol xumo oo ka Taagan Degmada Badhaadhe iyo deegaanada ku dhow dhow ee Gobolka Jubada Hoose
- Khilaaf salka ku haya Dastuurka oo soo dhexgalay Madaxda DKMG iyo Guddiga Qabyo Qoraalka Dastuurka
- Qaraxyo ka dhacay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo Sababay khasaare isugu jirta Dhimasho iyo Dhaawac
- Boqolaal Ciidammo Mareykanka ah oo la sheegay inay si qarsoodi ah uga howl-galaan Magaalada Muqdisho
- Dagaal khasaare geystay oo Gobolka Bay ku dhexmaray Ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab