Isniin, June 25, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 13-qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray saddex qarax oo xalay ka dhacay xaafadda Mishomoroni ee magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Qaraxyadan oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta ayaa xalay abaare 10:00 habeenimo lagu weeraray baar lagu daawanayay ciyaar ka mid ah kuwa horyaalka Yurub oo dhexmaray dalalka Talyaaniga iyo Ingiriiska.
Dadkii ay dhaawacyada kasoo gaareen qaraxa ayaa waxaa goobta ka qaaaday gaadiidka gurmadka deg-degga ah kuwaasoo isbitaal guud ee Mobasa halkasoo lagu daweynayo.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inuu arkay gaari ay wateen laba nin iyo haweeney, kuwaasoo lug ku maray baarka hortiisa, waxyar kaddibna waxaa la maqlyay bay yiraahdeen qaraxyo waaaweyn oo isdaba-joog ah.
"Markuu qaraxii koowaad dhacay waxaan moodayay inay koronto qaraxday, waayo waxaa jiray dhibaato dhinaca kororntada ah, laakiin daqiiqado kaddib waxaan maqlay qarax kale waxaana xigay qarax saddexaad, markaas ayaan ogaaday inay dhaceen qaraxyo," ayuu yiri Emmanuel Omondi oo ku sugnaa meel ku dhow halka lagu weeraray bambooyinka.
Taliyaha ciidanka booliiska Mombasa, Aggrey Adoli oo ay wehliyaan kooxda la dagaalanka argagaxisada iyo kuwa dambiyada baara ayaa goobta tagay, iyagoo sheegay inay wadaan baaritaanno, ayna dib ka bixin doonaan faahfaahinta.
Qaraxyadan ayaa waxay imaanayaan xilli maalin ka hor uu Mareykanku ka digay inay ka dhici karaan magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa weeraro argagaxiso, iyadoo dowladda Kenyana ay shalay adkeysay amaanka magaaladaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Qaraxyo ka dhacay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo Sababay khasaare isugu jirta Dhimasho iyo Dhaawac
More News
- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa galabta la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Mudane Malez Zenaw
- Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowlada Somalia oo sheegay in Guddiga Dastuurka uu xiligoodii dhamaaday
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kasoo horjeestay Go'aankii Odayaasha Dhaqanka ee ahaa in la kordhiyo Kuraasta Baarlamaanka
- Kulan saraakiil Itoobiyaan ah iyo Maamulka Ahlusunna uga socda Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud
- Ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo oo lagu wareejinayo Ammaanka garoonka Diyaaradaha Degmadaas
- Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Itoobiya ugu dhoofay wadahadallo uu la yeesho Ra'iisul Wasaaraha Dalkaas
- Xaalado nolol xumo oo ka Taagan Degmada Badhaadhe iyo deegaanada ku dhow dhow ee Gobolka Jubada Hoose
- Khilaaf salka ku haya Dastuurka oo soo dhexgalay Madaxda DKMG iyo Guddiga Qabyo Qoraalka Dastuurka
- Boqolaal Ciidammo Mareykanka ah oo la sheegay inay si qarsoodi ah uga howl-galaan Magaalada Muqdisho
- Dagaal khasaare geystay oo Gobolka Bay ku dhexmaray Ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab