Ciidamo fara badan oo Mucaawino gudbinaya oo la geeyay degmada Jalalaqsi


Isniin, December 29, 2014 (HOL) — Ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa la geeyay saaka degmada Jalalaqsi oo ka tirsan degmooyinka gobolka Hiiraan, si u gudbiyaan gargaar muddo ku xayirnaa magaaladaas.

Gargaarka ayaa la sheegay inuu muddo ka badan laba bilood uu xayirnaa gudaha degmada Jalalaqsi, iyadoo Al-shabaab ay u diidday inuu u gudbo degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan oo uu ku wajahnaa gargaarka.

“Ciidamadan waxay si xoog ku gudbin doonaan gargaarka oo Buulo-burte la geynayo, waayo gargaarka muddo ayuu xayirnaa,” ayuu yiri taliyaha qaybta 12-ka Abriil ee ciidamada xoogga dalka, Jen. Maxamed Maxamuud Qaafoow oo la hadlayay warbaahinta.

Sidoo kale, gargaarkan ayaa la sheegay inuu ku raran yahay 19 baabuur oo kuwa xamuulka ah, waxaana xoogagga Al-shabaab oo ku sugan deegaanada u dhexeeya labada degmo ay diideen in gargaarku waddadaas maro.

“Awood ciidan ayaan u adeegsanaynaa sidii aan gargaarkan ku gaarsiin lahayn degmada Buulo-burte, waana ku guuleysannaynaa haddii EEBBE idmo,” ayuu hadalkiisa ku daray Jen. Qaafoow.

Degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ayaa la sheegayaa inay ka jiraan xaalado dhinaca raashinka ah oo aad u liita, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo ay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya si xoog ah ku gaarsiiyaan degmadaas gargaar bani’aadamnimo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya