Madaxweynaha Somalia oo la kulmay xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta


Isniin, December 29, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar kula kulmay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Dr. Nabiil Al-Carabi, iyagoo kawada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka u dhexeeya Somalia iyo Jaamacadda Carabta.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday fulinta ballan-qaadyo ay horay ugu sameysay Jaamacadda Carabtu dowladda federaalka Soomaaliya, kaasoo ku saabsan sidii dowladda Somalia looga taageeri lahaa dib u dhiska iyo nabad kusoo dabaalida dalka.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xoghayaha warbixin ka siiyay xaaladda dalka Soomaaliya iyo halka ay wax marayaan, wuxuuna ku boorriyay in jaamacadda carabta ay ka doonayaan inay mashaariicdii ay horay Somalia ugu ballanqaaday u fulin lahaayeen.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay inuu guul kusoo dhamaaday kulankii uu la yeeshay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, uuna rajeynayo inay xafiisyadooda ku ballaarin doonaan dalka oo dhan.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxay kulan horudhac ah la qaateen madaxweynaha dalka Masar, Jen. C/fataax Siisi, kaasoo looga hadlay sidii ay Masar gacan uga geysan lahayd dib u dhiska iyo nabadeynta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdi uu horkacayo ayaa booqasho dhowr casho qaadan doonta ku tagay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, kaddib markii ay casuumad ka heleen madaxweynaha dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya