Aqoonyahan Muxaadaro Dhiirri-gelin Ahayd ka Jeediyay Jaamacadda Camuud


Isniin, December 29, 2014 (HOL) — Aqoonyahan Hashim Duale MBE ayaa muxaaddo u jeediyey ardayda jaamacadda Camuud, kaas oo uu ku dhiirigalinayey sidii hamigoodda waxbarasho usii waddi lahaayeen iyo sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha ay haystaan.

Haashim Ducaalle ardayda u jeediyay casharadan dhiiri gelinta ah oo siweyn u soo jiitay dareenka ka qeyb-galayaasha munaasabada, isagoo ku booriyay dul-qaad iyo adkeysi.

Waxbarashada heerka Jamacadeed ayuu sheegay in ay tahay mid u baahan go’aan adag oo uu la yimaado ardeyga kaas oo salka ku haya ka dhab ahaansha waxa uu baranayo, waxaana uu tilmaamay in aanu ardaydu jaamacadda u iman si laabla kac ah, balse uu lahaaddo hadaf iyo yool danbe oo uu hiigsanayo. Wxaanu tusaaleyaal usoo qaatay saddex qof oo noloshoodda heer ka gaadhay oo ay ka mid ahaayeen Imam Nawawi oo qoray Kutubka Riyaadhu Saalixiin. Wuxuu sheegay in Imamkan oo u guntaday inuu ururiyo Axaadiista saxeexa ah noloshiisa oo dhan ku qaaday si úu diinta u gaadhsiiyo dadyowga ka dambeeyaa.

“Marka dugsiga dhexe ilaa sare aad wax ku baraneyso waxaa mar marka qaar dhici karta in waalidka uu waxbarashada kugu koontaroolo, laakiin Jaamacaddu  waa ay ka duwan tahay, waxaa muhiim ah ardeyga marka uu heer Jaamacadeed yahay in uu go’aan iskiisa ah oo madaxbanaan la yimaado, ku dhiirado in heer wanaagsan ka gaadho waxbarashada, macalinka wax kuu dhigaya waxaa uu kuu noqon karaa oo kaliya fure, laakiin qofka laga doonayo in iftiinkaas yar ee u baxay uu daba-gal ku sameeyo waa adiga, laakiin haddii kaliya ujeedada aad Jaamacad u dhiganeyso tahay hebelba waa uu dhigtaa iyo wax la mid ah ogow naftaadana waad qiyaantay macalinkana waqti badan ayaa ka lumisay waliba waxaa suurtagal ah in aad booska ka buuxisay qof kale oo laga yaabo in uu niyad badan u hayo waxbarashada,’’ ayuu yidhi Haashim Ducaale oo muxaadiro dhiiriglain ah u jeedinayey ardayda caafimaadka ee jaamacadda Camuud.

Ugu dambeyntiina wuxuu mahad u celiyey maamulka Jaamcada Camuud uu hormuud u yahay Gudoomiyaha Jaamcada Professor Suleyman Ahmed Guleed oo si diiran ugu soo dhaweeyey Boorama martina uu u ahaa. Isagoo hoosta ka xariiqay inay tahay camuud hoy u ehel cilmiga oo dad badan oo Soomaali ah soo barbaarisay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland