Baarlamaanka oo su’aalo weydiiyay Wasiir u dowlaha Wasaarada Maaliyadda


Isniin, December 29, 2014 (HOL) —Xildhibaannada baarlamanka Somalia ayaa maanta su’aalo ku saabsan miisaaniyadda sanadka 2015-ka weydiiyay sii-hayaha xilka wasiir-u-dowlaha wasaaradda maaliyadda Somalia, C/llaahi Maxamed Nuur, kuwaasoo u badnaa mushaaraadka ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Somalia.

C/llaahi Maxamed Nuur oo ka jawaabaya su’aalahan oo ay weydiiyeen 34 xildhibaan ayaa sheegay in si wanaagsan ay ku baxeen mushaarka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda iyo kan ciidamada qalabka sida, isagoo ka codsaday xildhibaannada inay miiyaasiyadda ay ku shaqeynayso dowladdu sanadka soo socda ee 2015-ka ansixiyaan si ay howlaha dowladdau u sii socdaan.

Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa ka doodayay maalmihii aynu soo dhaafnay ka doodayay miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ay ku shaqeyn doonto sannadka soo socda, kaasoo xildhibaannadu ay qaarkood sheegeen inaysan ahayn kuwo sal wanaagsan leh.

Kulankii baarlamaanka Somalia ee maanta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 164 xildhibaan, waxaana kulankan uu qayb ka ahaa kuwa ay xildhibaannadu uga doodayaan miisaaniyad sannadeedka 2015-ka.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha baarlamaanka Somalia, Jaylaani Nuur Iikar oo kulanka soo xirayay ayaa sheegay in berri uu fasaxyahay baarlamaanka, isla markaana maalinta Arbacada ah la guda-geli doono ansixinta miisaaniyadda sannadka 2015-ka ee maalmuhu naga xigaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya