Howlgalkii NATO ee ka socday Afghanistan oo 13-sano kaddib la soo Af-jaray


Isniin, December 29, 2014 (HOL) — Howlgalkii uu horkacayay Mareykanka ee ka socday dalka Afghanistan tan iyo sannadkii 2001 ayaa lasoo af-jaray, iyagoo xilka lagu wareejiyay xukuumadda Kabul.

Tiro gaaraysa 13,000 oo askari oo shisheeye ah una badan ciidamada Mareykanka ayaa sii joogi doona dalkaas, kuwaasoo howlgalkoodu uu socon doono laba  sano, si ay u tababa-raan ciidamada Afghanistan.

Ciidamada milateriga iyo booliiska Afghanistan ayaa dagaal kula jira xoogagga Daalibaan oo xiriir la leh Al-Qaacida, kuwaasoo intii howlgalku socday dilay tiro badan oo ciidamada Uganda ka tirsan.

“Maanta waxaan soo af-jarnay howlgalkii weynaa ee dalka Afghanistan, balse mid kale oo muddo kooban socon doona ayaa billlaabanaya,” ayuu yiri Jen. John Compbell oo taliye u ahaa howlgalka lasoo gabagabeeyay, isagoo ka hadlayay xaflad lagu qabtay saldhigga ay ciidankan ku lahaayeen Kabul.

Jen. Compbell oo sii hadlayay ayaa intaas ku daray. “Waxaan diyaar u nahay inaan sii wadno qorshaha mustaqbal lagu gaarsiinayo Afghanistan.” Xilli ay ka baxayeen dalkaas ciidammo badan oo muddo sannado ah joogay.

Tan iyo sannadkii 2001, waxaa dalka Afghanistaan lagu dilay 3,500 askari oo shisheeye ah; kuwaasoo ay ku jiraan 2,200 oo askari ay yihiin Mareykan sida laga sheegay xafladda sagootinta.

“Hadda, Waxaan u mahadcelinaynaa ciidamadeenna dalka Afghanistan ka baxaya ee ragga iyo dumarka isugu jira, howlgalkeennii Afghanistaan wuu dhammaday. Wuxuuna howlgalkan ahaa kii ugu muddada dheeraa uu aan galno,” ayuu yiri madaxweyne Barack Obama

Weerarradii ugu xumaa ee Afghanistan ay qaadday intii ciidamada shisheeye ay dalkooda ku sugnaayeen ayaa waxay ku dileen 3,200 oo qof oo shacabka Afghanistan ah sannadkan 2014 oo keliya, iyagoo sidoo kalena weerarradaas ku dilay 4,600 oo askari oo ka tirsan booliiska Afghanistan.

Madaxweynaha cusub ee dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sheegay inay xoogaggiisa amniga dadaal weyn u galayaan sidii ay dalka oo dhan gacanta ugu dhigi lahaayeen.

Dhanka kale, intii ay socotay xafladdii sagootinta ciidamada shisheeye ee ka dhacaysay Kabul Axaddii shalay ahayd ayaa Daalibaan waxay dhowr jeer ku soo tuurtay saldhiggaas madaafiic ay ku jiraan hoobiyeyaal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya