Danjiraha Cusub ee Somalia ay u magacowday Turkiga oo si diiran loogu soo dhaweeyay Ankara


Arbaco, Ogoosto 12, 2015 (HOL) — Safiirka Cusub ee Soomaaliya u Fariisanaha Turkiga, C/llaahi Maxamed Cali [Sanbaloolshe] ayaa xalay si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta Turkiga ee Ankara, iyadoo soo dhaweeyntiisa ay ka qaybgaleen saraakiil iyo shaqaale ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Turkiga iyo safiirro kale oo dalaka caalamka qaarkood u fadhiya Turkiga.

Xoghayaha koowaad ee safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, C/qaadir Maxamed Nuur oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in safiirka si diirran loosoo dhaweeyay, uuna dhawaan waraaqadaha danjirenimo u gudbinayo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, si uu u sii guda-galo howlaha Dowladda Federaalku u idmatay.

Sidoo kae, C/qaadir ayaa xusay inay tahay wax lagu farxo in safiirka ay kusoo dhaweeyaan dalka Turkiga, isla markaana uu kulamo la qaatay hawlwadeenada safaaradda, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.

Ugu dambeyn, Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliyaee Turkiga oo ka hadlayay Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga wax ka barta ayaa Sheegay in ay ka War-qabaan xaaladaha ay ku sugan yihiin ardayda, isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay sida dowladda Turkiga ay u garab-taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya