
Arbaco, Ogoosto 12, 2015 (HOL) — Maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia ayaa sheegay inay isku soo dhibeen Xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab, kuwaasoo isugu jiray askar iyo Amiirro awood badan ku lahaa Maamulka Al-shabaab.
Wasiirka hub-ka-dhigista, dhaqan-celinta iyo Tababarrada ee Maamulka Koonfur Galbeed Somalia, Xasan Xuseen Maxamed oo u warramayay Maanta VOA-da ayaa xusay in tirada xoogagga isku soo dhiibay maamulkooda ay gaarayaan boqolaal qof, ayna badankood iska soo dhiibeen deegaanno ka tirsan Gobollada Bay iyo Bakool.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa intaas ku daray in Xoogagga isi soo Dhiibay ay ka mid yihiin dhowr Amiir oo xilal sare ka hayay Al-shabaab, wuxuuna sheegay in mid ka mid ah lagu magacaabo Bakistaan. kaasoo Al-shabaab u Qaabilsanaa Maamulka Gobollada Bay iyo Bakool.
Xasan Xuseen ayaa sheegay in xoogaggan soo goostay ay u sammeeyeen goobo lagu hayo laguna dhaqan-celiyo, halka Amiirradaan ay dejiyeen Guryo Wanaagsan oo aanu sheegin ku yaallaan. kamana hadlin sida ay ka yeelayaan arrintooda.
Dhinaca kale, Wasiirka hub-ka-dhigista ayaa ka warramay xaaladda dhul badan oo ka mid ah Gobollada uu ka taliyo Koonfur Galbeed ee dhawaan ay ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM hawlgallo ka Wadeen, Halkaasoo laga soo Sheegayo Xaalad Dhanka bani’aadannimo oo aad u daran.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur-galbeeed Sharif Xasan Sheekh Aadan iyo Xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa si ay xaaladahaas ugu kuur-galaan booqasho ku maraya qaar ka mid ah Degmooyinka Gobollada uu Maamulkiisu ka taliyo.
Si kastaba ha ahaatee, Xarakada Al-shabaab ee Somalia ayaan weli ka hadlin boqolaalka ka mid ah ciidamadooda ee Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya uu sheegay inay isku soo dhiibeen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya