
Arbaco, Ogoosto 12, 2015 (HOL) — RW hore ee Soomaaliya, ahna Hogaamiyaha Xisbiga TAYO, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay inay ka tashanayaan sida ay u arkaan in Soomaaliya uu isbedel uga dhici karo sannadka 2016-ka, iyadoo dhawaan Hay’adaha Dowladda Federaalka Somalia ay sheegeen in dalka aysan ka dhici doorasho Qof iyo Cod ah.
Mudane Farmaajo uu warramayay Idaacadda Australia Laanteeda Afka Soomaaliya ayaa la weydiiyay doorka maamul-goboleedka dhismaha ay ku yeelan karaan Somalia wuxuuna ku jawaabay.
“Xisbiga TAYO ahaan dood ayaan weli uga jirnaa arrintaas. Haddii la yiraando 4.5 oo ah qaabka awood-qaybsiga beelaha, odayaal dhaqameedyada ayaa howsha meesha kasii wadaya, maxaa yeelay iyagaa sharci ah, qaabteyntana iyagaa u sarreeya haddii mar la yiri Qabil wax lagu qaybsanayaa. Dhanka Maamul-goboleedyada iyo qaabka ay noqon doonto waxaan ka keenni doonaa go’aankeenna sida ay wax noqonayaan.”
Mar la weydiiyay Farmaajo su’aal ahayd, Soomaalida way ku kala qaybsan yihiin qaabka ay Soomaaliya ay hadda u socoto, siyaasad ahaan iyo Ammaanka, Qaar waxay aaminsan yihiin; in Soomaaliya ay isku imaan doonto oo Al-shabaab laga saarayo dalka, halka kuwo kalena ay qabaan niyad-jab ah in Somalia ay gacanta ku jirin oo ay ciidammo shisheeye joogaan, iyagoo fiirinaya doorka ay waddama dariska ah iyo kuwa calaamka ay ku leeyihiin Somalia, marka dhinacee arrintaas ka raacsan tahay? Wuxuuna ku jawaabay.
DHAGEYSO: Wargeysii uu bixiyay Ra'iisul Wasaarihii hore ee Somalia Farmaajo;
“Horta Ummad walba Madax ayay leeyahay… Madaxda ayaa laga doonayaa in Haybadii, Sharaftii, Qarannimadii iyo Astaantii Soomaaliya inay ilaaliyaan… ee waxaana ugu horreeya saddex arrimood oo aan mar walba ka hadlo oo ah inay Dowladda ilaaliso Amaanada ay Ummadda u hayso inay ilaaliso, tan labaadn oo iyadana ah inay ka dhabeyso in cadaaladdu ay noqoto furihii horumarka, midda saddexaad ah oo ah in Barakacayaasha iyo dadka cunyaanka ah gacan siiso… Shacabka iyagana ma ahan inay iska fadhiyaan… waxaa shacabka laga doonayaa inay dowladda ku fiirsan inay shaqsiyaadka maamulka haya, balse waa in qayb ay ka noqdaan howsha socota… waayo waa mid la wada leeyahay, laakiin mar walba madaxdaa laga rabaa inay ilaaliyaan Ammaanada loo dhiibay.”
Sidoo kale, Farmaajo ayaa wuxuu intaas ku daray in Soomaalida haddii aysan ilaashan dalkooda waa laga shaqeynaysaa… isagoo xusay in khaladka uu saarayo dadka dalka iska leh iyo madaxdooda; mana saarayo khaladka Calaamka.
Waxaa kaloo la weydiiyay RW-hii hore ee Somalia, waxaad is-leedahay doorka dalalka dariska ah iyo kuwa Beesha Calaamka waxba kama qaldana, wuxuuna su’aashaas kaga jawaabay.
“Khaladka wuxuu ka billlaabanayaa dadka dalka iska leh iyo madaxdooda, marka aad adigu ogolaato in lagu Maamulo, Markaad ogolaato in laguu taliyo, markaad ogolaato in lagaaga shaqeeyo… marka yaa iska leh khaladka;mar dadkaas adigu casuuntay.. illleen Somalia waa Qaran waa dal xor ah, haba iska tabar yaraatee; waxaa jira dalal la mid ah; sida ay DR Congo, dalka Bartamaha Dhexe iyo Jaad, kuwaasoo aanay gobollo badan gacanta ugu jirin, balse ma jirto cid u dhawaan karta iyo cid la maamuli karta arrimahooda iyo cid u sheegi karta sida ay wax u maamulanayaan iyo sida ay wax u rabaan ama u doonayaan ma jirto. Marka Ummadda iyo Madaxdooda ayay ku xiran tahay in lasoo fara-geliyo iyo inay yiraahdaan innagaa isku tashanayna oo aayaheenna ka shaqeynaysa.”
Dhanka kale, wuxuu intaas ku daray inay Muhiim tahay in madaxda dalka ay fahamsiiyaan shaacbkooda waxa laga rabo dowladda iyo qaabkay kula shaqeyn doonaan shacabkooda… Shacabka lafoodana la siiyo doorkooda iyo waxay ka rabto dowladda. Qof walbana doorkiisa iyo mas’uuliyaddiisa uu yaqaanno.
Waxaa kaloo la Weydiiyay Farmaajo Wuxuu Xisbigiisa Tayo kaga duwan yahay Axsaabta kale ee jirta ee doonayo inay Hoggaaminka Somalia ay u Tartamaan, isagoo ku Jawaabay. “Xisbigeennu wuxuu kaga duwan yahay Asxaabta kale ee dalka ka jirta, marka hore innagu wadanaa khibrad, taasoo Ummadda Soomaaliyeed aan u muujinnay helnay fursadda inaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed Hoggaaminno. Waxaana ka mid ahayd inaan Arrimihii aan soo sheegay ee ahaan Cadaaladda, Ammaanka iyo dadka tabarta yar aanu u gargaarno.”
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya