Wasiirka Amniga Gudaha Somalia oo Xariga ka jaray Xarunta Ciidamada Miino-baarista (SAWIRRO)


Arbaco, Ogoosto 12, 2015 (HOL) — Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Maanta Xarigga ka jiray Xarun Cusub oo loo dhisay Ciidamada Booliiska Qaybta Miino baarista. Iyadoo kulanka uu Goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliiska Somalia. Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Ciidammo Miino-baarayaal ah oo loo Tababaray Habka Miinooyinka loosoo saaro iyo si looga hor-tago inaysan waxyeello geysan ayaa soo bandhigay dhoollatus ay Tababarkooda ku muujinayeen.

Taliyaha Booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sh. Xasan Xaamud ayaa sheegay in Booliska qeybta miino baarista u qaabilsan ay qabteen howlo muhiim ah, isla markaana ay yihiin koox uu ku faano taliska Booliiska, ayna joogteynayaan tababar siinta ciidamada kale ee Booliiska.

“Kooxdan waa kuwa ugu Horreeya ee Booliiska Soomaaliyeed oo Saddexdii Qodob ee Aasaasiga ahaa isku heysata, waxaana rajeyneynaa in maalinba qeyb ka mid ah booliska aan u tayeyno, oo qalabkii loo siiyo, oo daryeel ay helaan, waxaan kaloo doonaynaa inaan Ammaan u soo jeediyo Taliyaha Ciidamada, Col. Cabdikariin oo Runtii isagu muujiyay Hogaamin wanaagsan, kudayo badan ayay noo leedaya, koox waliba laga doonayo inay isku duubnaadaan, isla markaana ay fahmaan waajibaadka looga fadhiyo,” ayuu Taliyaha Booliiska Soomaaliya ka yiri Munaasabadda.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa tilmaamay inay tahay tallaabo lagu farxo sida ay ciidamada u tababaran yihiin, isla markaana ay uga go’an tahay in shacabka ay ka difaacaan Qaraxyada.

“Maanta waxaa farxad ii ah inaan idinkala qayb-galo Munaasabadan lagu furayo Xaruntan Cusub, runtii ku timid dadaal badan oo ay saraakiishu ku bixiyeen. Runtii aad ayaan ugu faraxsannahay taliyaha xaruntaan Cabdikariin uu Qabtay, waa wax lagu farxo, waa wax noo noqon karto tusaale fiican, waxaana soo jeedinayaa inay ku daysadaan hay’adah kale ee dowladda  Somalia,” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Ugu dambeyn, Hogaanka Cusub ee Ciidanka Booliiska ayaa Muddooyinkii u Dambeeyay waday tallaabooyin uu ku hormarinayo Ciidamada iyo isku-xirka Ciidamada, waana markii u Horreysay ee Xarun Gaar ah loo Furo Ciidamada Booliiska Qaybta Baarista iyo ka Hor-tagga Miinooyinka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya