SAWIRRO: Jaamacada Soomaaliya ee UNISO oo Furtay Maktabado ay yaallaan Kumanaan Buug


Arbaco, Ogoosto 12, 2015 (HOL) — Jaamacadda Soomaaliya ee [UNISO] oo ka mid ah Jaamacadaha ka howlgala dalka ayaa maanta daah-furtay laba Maktabadood oo ay yaallaan 35,000 oo buug, kuwaasoo loogu talo-galo inay ka faa’iideystaan Ardayda Jaamacadda iyo Dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee Waxbarashada daneeya.

Guddoomiye ku-xigeenka, ahna Madaxa Waxbarashada Jaamacada Soomaaliya ee UNISO, Prof. Maxamed Nuur Warsame ayaa si Rasmi ah xarigga uga yaray Labadaan Maktabad oo ku kala yaalla Xarumaha Jaamacadda Soomaaliya ee kala ah; Cusmaan Geeddi Raage iyo 21-ka Jannaayo.

“Maanta oo Taariikhdu tahay 12/08/2015-ka, waxay Jaamacadda Soomaaliya ee UNISO Albaabbada u furtay laba Maktabadood si ay uga faa’iideystaan dhamaan Bulshada ku xiran Jaamacadda Soomaaliya, haddii ay ahaan lahaayeen ardayda, Waaliddiinta iyo Cid kasta oo wax Akhriska Daneynaysa,” ayuu Prof. Warsame ka yiri Xafladdii Furitaanka Maktabadaha.

Sidoo kale, wuxuu Prof. Warsame intaas ku daray; “Buugaagta Maktabadahan yaalla ayaa tiro ahaan waxay yihiin 35,000; waxay yaallaan labada Maktabadood oo ku kala Xarumaha Jaamacadda ee kala ah; Cismaan Geeddi Raage iyo 21-ka Jannaayo. Buugaagtuna waxay u badan yihiin kuwii ugu dambeeyay ee lasoo saaray 2015-ka; iyadoo qaar kalena ay yihiin kuwo la daabaay wixii ka dambeeyay sannadkii 2000.”

Prof. Warsame ayaa wuxuu intaas ku daray in Xarunta kale ee Jaamacaddu ay ku leedahay KM-4 ay dhawaan ka furi doonaan Maktabad kale si ay ardayda wax ka barta Jaamacadda UNISO uga faa’iideystaan.

Jaamacada Soomaaliya ayaa waxay horay u lahayd 5-Maktabadood oo u gaar ah Kuliyadda Injineeriyada iyo Culuumta Kambiyuutarda iyo sidoo kale Laabab ay leedahay Kuliyadda Caafimaadka. Waxaana Furitaanka labadaan Maktabadood si aad u weyn u soo dhaweeyay Ardayda Jaamacadda Soomaaliya oo Sheegay in ay baahi aad u weyn u Qabeen Buugag ay ka faa'iideystaan.

Dhanka kale, Axmed Maxmed Luqmaan oo ah Hormuudka Xafiiska Arrimaha Ardayda ee Jaamacadda Soomaaliya UNISO ayaa ugu Baaqay Ardayda Dhameysanaya Waxbarashada Dugsiyada Sare ee Sannadkan ee aan Weli is-diiwaan-gelin ay si dhaqso ah isaga Diiwaan-geliyaan Xafiisyada diiwaan-gelinta Ardeyda ee UNISO si ay uga Faa’iideystaan Diiwaan-gelinta Sannadkan oo Xaddidan.

Ugu dambeyn, Jaamacadda Soomaaliya oo Toban Sano Jirsatay Horayna ugu Guuleysatay Qorshayaal Waxbarasho ayaa Tallaabada ay Maanta ku furtay Maktabadaha ku sheegtay in ay tahay Tallaabo kale oo ay ku horumarinayso Waxbarashada Jaamacadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya