.jpg)
Arbaco, Ogoosto 12, 2015 (HOL) — Xaflad ay ka Qayb-galeen Madaxda ugu Sarreysa dowladda Soomaaliya, wasiirro, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo xubno ka socday beesha caalamka, ayaa 08, bisha Agoosto lagu kala saxiixday hishiis dhigaya dhismaha dowlad gobolleed ay ku mideysan yihiin labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Siddoo kale, 15ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtiga ah ee nagu soo foolka leh waxaa laga fillayaa dowladda inay ku dhawaaqdo guddiga farsamada dhismaha maamulka labada gobol, halka 01, bisha September ee nagu soo foolka leh lagu waddo in uu si rasmi ah shirka u furmo.
Laakiin ilaa iyo hadda dhab ahaan lama oga goobta uu shirka ka furmi doonno waqtiga loo qabtay, waana marka la eego mid ka mid ah caqabadaha laga yaabo in ay ka hor iman karaan mas'uuliyiinta dowladda federaalka, madaama magaalo walba Beledweyne iyo Jowhar siweyn ugu diyaar-garoowday marti-galinta shirka.
Ereyga gaar ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo 08 bishan hadal ka jeediyay munaasabadii saxiixa, ayaa sheegay in marka gunta hoose loogu sii daadago dooda arrintan ku saabsan ee dhismaha maamulka labada gobol soo bixi doonaan caqabado iyo is jiid jiid u dhaxeeya siyaasiyiinta labada gobol, isaga oo sheegay in durbaba uu maq-maqlayay intii ay soctay munaasabada in lagu kala aragti duwan yahay magaalada marti-galin doonta shirka.
Hasse ahaatee arrimaha kale ee xasaasiga ah ee laga yaabo in mas'uuliyiinta dowladda ku jahwareeraan siddii xal loogu helli lahaa, waxaa ka mid ah halka noqon doonta xarunta rasmiga ah ee dowlad gobolleedka, magaca la qaadan doonno, qeybsiga saamiga hogaamineed ee maamulka iyo sidda loo maareynayo tirada ergada shirka iyada arrimahan oo dhan lagu saleynayo habka awood qeybsiga dalka ee 4.5.
Durbaba waxaa la leeyahay muran xoog leh ayaa ka jirra magaalada ay tahay in ay mart-galiso shirka oo ay isku maan-dhaafsan yihiin siyaasiyiinta labada gobol, sababta ay arrintaa muhiim ugu tahay waa ka faa'ideysiga dhaqaallaha tirada badan ee ku baxaya socodsiinta shirka.
Siyaasiyiinta labada gobol midkood ayaa ku doodaya in mas’uuliyiinta dowladda gaar ahaan wasaarrada arrimaha gudaha iyo federaalka looga fadhiyo go’aan ka gaarista magalada marti-galin doonta shirka iyo halka noqoneysa xarunta rasmiga ah ee dowlad gobolleedka, madaama madaxweynuhu noqonayo mid labada gobol u dhaxeeya oo ku iman doona hab doorasho.
Dhinaca kale waxaa jirta aragti taa ka duwan oo ay qabaan siyaasiyiinta garabka kale oo ku doodaya in marka hore ay tahay in [CEYRIINKA WAX LAGU QEYBSADO] taa macnaheeda noqonayo in mid ka midah labada gobol la siiyo xarunta rasmiga ah ee dowlad gobolleedka, halka gobolka kale uu siddaa ku qaato madaxweynaha iyo marti-galinta shirka, waana caqabada ugu weyn ee ku hor gudban durba u soo af-jarista wadda hadallada arrintan saabsan.
Waxaa siddoo kale xusid mudan magaca uu qaadanayo dowlad gobolleedka oo u baahan in waqti badan la galliyo, tusaalle ahaan magaca Galmudug, waxaa loola jeedaa “Galgaduud iyo Mudug’’ hasse ahaatee wey adag tahay in siddaa oo kale leysugu lamaaniyo magacyada labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo ku dhaaqistoodu aad u kala durugsan tahay, siddaa daraadeed waxaa muhiim ah la hello magac intaa oo dhan ka wadda duwan kuna qanci karaa bulshada labada dhinac.
Waxaa hadda ku badan dhagasha shacabka magaca Shabeelle State oo la leeyahay waa kan ugu dhaw ee laga fikiri karo, laakiin lama oga sidda ay ugu wadda qanci karaan siyaasiyiinta labada dhinac.
Beelaha wadda dega labada gobol ayaa si gaar ah isha ugu wadda haya sidda ay wax u soconayaan, iyadoo beel walba xusul –duub adag ugu jirto ka soo dhax muuqashada hogaaminta sare ee dowlad gobolleedka, waxaana jira shirar hoosaadyo siyaasadeed oo ay beelluhu ku lafa-gurayaana miisaanka ay ku yeellan karaan qorshaha socda.
Baarlamaanka uu yeellanayo dowlad gobolleedka oo ah kan marka danbe soo dooranaya madaxweynaha ayaa u muuqda mid dhinac walba uu xoogga saarayo siddii uu uga heli lahaa kursaata ugu badan.
Wasiirka wasaarrada arrimaha gudaha C/raxmaan Xusseen Odawaa ayaa sheegay in dhismaha dowlad gobolleedka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe uu wax badan ka sahlan yahay dhismihii maamulka Galmudug, waayo waxaa jira fursado arrintaa ku caawinaya dowladda, maxaa yeelay labada gobolba kama jiraan urur hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda iyo hogaamiyo kooxeedyo door ku leh qorshaha socda.
Sidoo kale, labada Gobolba Waxaa jooga Ciidamada Howlgalka Ururka Midowga Africa ee AMISOM oo dhinaca ammniga dowladda ku gacan-siinaya fududeynta geedi socodka dhismaha dowlad gobolleedka.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in labada Magaalo ee Beledweyne iyo Jowhar tagaan wafuud ka socta dowladda oo u kuur-gali doona sidda ay magaalo walba ugu diyaar-garoowday marti-galinta shirka, iyaga oo kulamo wadda tashi ah la yeellan doonna qeybaha bulshada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya