Madaxweynaha Somalia oo ka Qayb-galay Xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka (SAWIRRO)


Arbaco, Ogoosto 12, 2015 (HOL) — Munaasabad lagu Xusayay Maalinta Dhallinyarada Adduunka ee 12-ka Ogoosto oo Maanta lagu Qabtay Xarunta Wasaarada Dhallinyarada & Cayaaraha ee Somalia, waxaana ka qayb-galay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud, Xildhibaano, Wasiirro, Dhallinyaro, Haween, Agaasimayaal iyo Marti sharaf kale; iyadoo intii aysan munaasabaddu billaaban ayay Madaxda dalku daawadeen Bandhig Faneed ay soo Abaabushay Kooxda Dhalad Band, Sidoo kale waxaa la daawaday Bandhig Feer ah oo uu soo Abaabulay Xiriirka Feerka Somalia.

Ugu horreyn, waxaa warbixin kasoo jeediyey xaflada Agaasimaha wasaarada dhalinyarada iyo Cayaaraha, Daahir Cabdi C/llaahi oo sheegey in Wasaaradda ay dooneyso inay Gacan-siiso isla markaana ay Shaqooyin u Abuurto Dhallinyarada Somaaliyeed, si ay uga Qayb-qaataan Hurmarka Dalka. sidoo kale wuxuu xusay in  Wasaaradda ay Qabatay Tartamo Cayaareed oo uu ka mid yahay Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir ee hadda socda.

Sidoo kale, Munaasbadda Waxaa ka Hadlay Mas’uuliyiin ka Socday Hay'adaha QM oo uu ugu horreeyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nicholas Kay isagoo sheegay in Qaramada Midoobey ay si aad ah u daneynayo in Isbedel lagu sameeyo dhallinyarada Soomaaliyeed, isla markaana loo Abuuro Shaqooyin si ay uga baxaan dhibaatooyinka dagaallada, Tahriibka iyo Burcad-badeednimada. Danjire Kay wuxuu kaloo sheegay in QM ay diyaar u yihiin inay ka Qayb-qaataan Mashaariicda lagu Hormarinayo Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo Xafladda ka hadlay Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo sheegey in Wasaaradiisu ay aad ugu faraxsan tahay in ay muddadii yarayd ay jirtay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ay ku Tallaabsatay in horumar ay ka gaarto in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u jaheyso dhinaca Wanaagasan; isagoo halkaas ka ballan-qaadey inay Wasaaradda Warfaafinta ka Qayb-qaadan doonro Horumarinta iyo dhiirri-gelinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somalia, Maxamed C/llaahi Nuux oo isna ka hadlay Munaasabada ayaa wuxuu ugu horreyn mahad u jeediyay intii xaflada inay ka dhacdo xarunta Wasaaradda Dhallinyrada iyo Cayaaraha ka Qayb-qaadatay; Sidoo kale Wasiirku Wuxuu ku dheeraaday waxa u Qabsoomay iyo waxay filayaan Mustaqbalka inay Qabtaan oo ugu Horreysa Horumarinta Dhallinyarada Somaaliyeed

Ugu dambeyn, waxaa halkaa ka hadlay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh oo si weyn ugu dheeraadey dhibaatooyinka ragaadiyey dhallinyrada Soomaaliya, sida Burcad-badeed-nimada, Tahriibka iyo Argagaxisada isagoo sheegey in qaar ka mid ah dhibaatooyinkaas ay maanta meesha ay kasii baxayaan inta harteyna ay dowladdu waqti aan sidaa u dheereyn soo gabeyn doonto.

“Waxaan Halkaan uga Mahad-celinayaa Hay’adaha Qaramada Midoobay ee mar Waliba Dhiirri-gelinta la garab-taagan tahay Dhallinyrada Soomaaliyeed si ay ula yimaadaan is-bedel dhib ah oo ay ku hormarinayaan Dalkooda,“ ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Gaba-gabadii; Madaxweynaha wuxuu Koobab iyo Abaal-marin ku guddoonsiiyey Kooxihii Kaalimaha Koowaad ka galay Tartamadii lagu xusayay Maalinta Dhallinyarada Adduunka iyo tan Soomaaliya ee 12 Ogoosto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya