
Arbaco, October, 23, 2019 (HOL)-Ciidamada midowga Yurub ee ka howlgala Xeebaha Soomaaliya ayaa soo badbaadiyay ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya oo Doon ay kula degtay xeebaha degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
newsinsideHowlgalka Midowga Yurub ayaa sheegay in Doontan oo ku degtay meel 60km u jirta Magaalada Cadale ee Gobolka Shabeellaha ugu gurmadeen kaddib codsi uga yimid howlwadennada Doonta oo ku ciladoowday biyaha dhexdooda.
Muuqaalo ay baahiyeenHowlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu arkay ciidamada la soo badbaadiyey iyo Shaqaalaha saarnaa doonta,kuwaas oo ka walaacsanaa noloshooda ka hor inta aan la soo badbaadin.

Dhawaan ayeey aheyd sidoo kale markii ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya Doon ay la socdeen ay kula degtay meel aan ka fogeyn Xeebaha magaalada Marka waxaana la sheegay in 5 Askari oo ka tirsan ciidamada lagu la'yahay Biyaha Badda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]