Mas'uuliyiinta xisbiyada mucaaradka ah oo booqday dhulka ay isku haystaan qoyska madaxweyne Biixi iyo qoysas kale


Arbaco, Oktoobar, 23,   2019 (HOL) – Mas'uuliyiin ka tirsan labada xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI ayaa maanta booqday qoysas sheegay in dhulkiii ay daganaayeen uu ka qaadayo qoyska madaxweyne Biixi, kuwaas oo qaarkood xabsiga loo taxaabay.

newsinsideMas'uuliyiintan ayaa madaxweynaha ugu baaqay in qoysaskaasi laga daayo dhibaatadda oo dhulka ay degan yihiin loo daayo, waxa kale oo ku jira qoysaskan kuwo leh guryo waaweyn oo sharci ku dhistay balse imika lagu amray inay ka guuraan.

“caruur yaryar baanu soo aragnay oo hooyadood xidhan tahay, waxaana u balanqadaan inaanu maalin walba dhex iman doonno oo hadii la rarana la guuri doonno anaga cagafyadoodda ha nagu raraanne”ayuu yidhi Kayse Cabdilaahi oo ka tirsan masuuliyiinta xisbiga UCID.

Waxaanu intaas ku daray “Dadkani waa kuwii wax loo qaban lahaa iska daa in wax laga qaadee iyaga waajib kugu tahay inaad siiso wixii ay cuni lahaayeen, waxaan ugu baaqayna goleyaasha Guurtida iyo wakiilada inay arrimahan dhacaya wax ka qabtaan oo sharciga lagu ilaaliyo madaxweynaha.”

Sidoo kale, Afhayeenka madaxweynaha Barkhad Batuun ayaa sheegay inay indhahooga ku soo arkeen qoysaskan lagu qasbayo inay meesha degan yihiin ka guuraan.

“dawladnimo dadkii baloodho ka qaadaysa tan baa inoogu horeysa, waxaan xisbi ahaan inala gudboon wixii aynu hanti haysano inaynu xaraashno oo wixii dadkani roobka iyo dhaxanta ka gali lahaaayeen u dhisno, waxaan taageerayaasha xisbiyada mucaaradka usoo jeedinaya in dadkaasi danyarta ah loo hiiliyo oo wax la taro oo dhulkoodii oo laga barakiciyey oo aanay haysan hoy ay ka galaan qoraxda iyo roobka loo sameeyo oo loo soo gurmado”ayuu yidhi Barkhad Batuun.

Qoysaskan danyarta ah ayaa dhulkii ay deganaayeen isku haystaan qoyska madaxweyne Biixi, kuwaas oo ku doodaya inay dhulkan iyagu lahaayeen, halka qoysaska degana ku doodayaan inay degan yihiin muddo 30 sanno ah, mudadaas aanay jirin cid ku qabsatay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland