
Arbaco, October, 23, 2019 (HOL)-Dhalinyarta Qeerro ee uu maamulo Jawhar Maxamed ayaa maanta xidhay dhammaan waddooyinka halbawlaha u ah dalka Itoobiya, taas oo keentay in maanta isu socodka magaalooyinku ay xanibmaan.
newsinsideHaddaba sida ay Hiiraan Online u sheegeen dad deggan
magaalooyinka Harar, Baabili, Awaday, waxaa xidhan goobihii ganacsiga
sida Bangiyada iyo goobaha ganacsiga ee kale iyadoo askar badan lagu soo
daadiyay magaalooyinka.
Xaaladdan
amni darro ee saaka dalku ku waabariistay ayaa ka dambaysay kaddib
waraysi kulul oo uu Jawhar Maxamed xalay siiyay Ltv oo ah tv madaxbanaan
kaas oo uu kabaha la dulmaray Xukuumadda Dr Abiyi oo uu sheegay in
arrintan MADAMAR ee uu Abiyi keenay tahay mid dadka lagu cabudhinayo.
Xalay
ayay dawladdu u yeedhay ilaaladii Jawhar Maxamed ee gurigiisa
ilaalinaysay, taas oo ka cadhaysiisay dhammaan taageerayaasha Jawhar
Maxamed waana midda keentay in dalka Itoobiya maanta xaaladdan galo.
Jawhar
Maxamed ayaa ah nin udooda xuquuqda Oromada, wuxuuna haystaa
taageerayasha u badan ee Oromada oo ah dadka ugu badan ee Itoobiya dega,
wuxuuna leeyahay koox dhalinyaro ah oo la yiraahdo Qeerro.
Lama
oga waxay ku dambayn doonto xaaladda maanta Itoobiya ka taagan, iyadoo
haddii ay sida kusocoto laga yaabo in lajaro isgaadhsiinta oo Internetku
u horeeyo.
Xaaladdan maanta jirta ayaa waxay u badan tahay degaanka Oromiya, iyo magaalooyinka la isla deggan yahay sida Diridhabe.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]