Guddigii Farsamada oo ay dowladdu magacaawday oo gaaray degmada Dhuusa-Mareeb


Arbaco, October, 23, 2019 (HOL) Degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud waxaa ka degay guddiga farsamada dhismaha maamul gobolleedka Galmudug oo ay dowladdu magacaawday.

newsinsideAhlu Sunna waljameeca ayaa horay u diiday dhismaha guddiga oo ka kooban 13 xubnood, waxaana ay mas'uuliyiinta Ahlu Sunna dhankooda soo saareen liiska guddiga kale oo kooban 11 xubnood oo ay ku sheegeen in ay ka shaqeynayaan dhismaha maamulka Galmudug.

Amaanka degmada Dhuusa-Mareeb ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana muuqata in dowladda Soomaaliya guda-gali doonto qaban-qaabada kulamada iyo watashiyada la doonayo in lagu soo xulo xildhibaannada Galmudug, xili dhanka kale ee waii si buuxda looga heshiinin khilaafka jira.

Howsha ugu horreysay ee guddiga ayaa la sheegay in ay tahay la tashiyo lala sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay quseyso arinta ku saabsan dhismaha Galmudug iyo xalinta wixii khilaafaad ah ee taagan ee ku horgudban in howsha horay loo sii wado ilaa laga gaaro soo xulista xildhibaannada. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]