
Arbaco, October, 23, 2019 (HOL)- Ismari-waa ayaa wali ka taagan dhismaha dowlad gobolleedka Galmudug, waxaana soo ifbaxaya khilaaf xoogga oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna Waljameeca.
newsinsideWarar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta lagu wado magaalada Dhuusa-Mareeb gaaraan guddiggii farsamada oo ay magacaawday Dowladda Federaalka, halka dhinaca kale madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan uu dhinciisa maalintii shalay ku dhawaaqay guddi kale oo ka hor imanaya kan dowladda ay u xilsaartay dhismaha Galmudug.
Sidoo kale xubnaha Guddiga aya markii ay tagaan magaalada Dhuusa-Mareeb waxaa ay bilaabi doonaan kulamo ay la qaadanayaan qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya oo xiligaan jooga Magaalada Dhuusa-Mareeb.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]