Arbaco, Octobar 23, 2019 (HOL )– Afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa ka jawaabay eeddo uga yimid guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, taas oo ku saabsana xubno komishanka doorashooyinka loo soo xulay oo ay biyo diideen xisbiga WADDANI.
newsinsideAfhayeen Maxamuud Warsame Jaamac ayaa sheegay in la raacay xeerka doorashooyinka iyo xulista xubnaha guddida doorashooyinka ka mid noqonaya, wixii khalad ah ee ku jirana ay masuuliyadeeda leeyihiin golaha Wakiiladda oo iyagu awood u leh inay reebeen xubinta xeerkaasi ka hor imanaya.
“Nuxurka hadalkii guddoomiye Cirro waxa uu daarranaa ka-maagis uu guddoomiyuhu ka maagayo in dalka ay doorasho ka qabsoonto iyo in doorashooyinku ay socdaan, marka koowaad sharciga iyo arrimaha doorashada ayuu aad ugu dheeraaday, dooddiisa doorashaduna waxa ay ahayd mid aad u jaban, sababtoo ah xeerka doorashada Xeer No/20/2001, qodobkiisa 13-aad waxa uu si cad u qeexayaa shuruudaha iyo waddada loo marayo xulista xubnaha Komishanka, guddoomiyuhuna wuu yaqaannaa, laakiin wuu iska indho tirayaa.”ayuu yidhi afhayeenka madaxtooyadda Maxamuud Warsame.
Waxaanu intaas ku daray “Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ka go’an oo ay geed dheer iyo mid gaabanba ugu taagan tahay in doorashadii xilligeedii lagu galo oo ay inoo dhacdo oo ay qabsoonto oo aanay inaga baaqan, shacabka Somaliland-na waxa ay diyaar u yihiin inay doorashooyinka galaan, dawladduna waxa ay dedaal cad ugu jirtaa diyaarinta doorashooyinka,”
Laba xubnood oo ka mid ah guddida doorashooyinka qaranka ayaa xisbiga WADANI ka soo horjeedaa, waxaanu ku baaqay in labadaasi xubnood laga saaro.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online