Arbaco, October, 23, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo maanta ka hor hadlayay Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in maxkamad la tiigsan doonaan sida uu hadalka u dhigay cid kasta oo ku eedeysa Soomaaliya Musuqmaasuq.
newsinside''Ilaa Waligeen baa nala-lahaa Soomaaliya laguma kalsoonaan karo, waxba looma dhiibi karayo, saxiixoodu ma shaqeynayo, Tuugta ugu waaweyn baa joogta, 184 wadan ayaa la leeyahay Soomaaliya waxey ka tahay dalka ugu horreeya xagga musuqmaasuqa, waxaan leenahay bal halka aynu musuqmaasuqa uga caanbaxnay inoo sheega, ''ayuu yiri Wasiir Beyle
Wasiirka ayaa sheegay in hay'addaha arintan ku shaqada leh looga baahan yahay ka hor inta aysan soo saarin warbixintooda eegaan sida sida uu u shaqeeyo nidaamka maaliyadeed ee dalka.
''Mar danbe ma aqbali doonno cid aan nala fariisan oo aan eegin nidaamkeena maaliyadeed in ay warbixin iska soo saarto.. Maxkamad ayaa la tiigsan doonnaa wixii hadda ka danbeeya ayuu yiri'' Wasiirka.
Soomaaliya ayaa qiimeynta lagu tirayaa in ay ka mid tahay wadamada safka hore kaga jira musuqmaasuqa, hasse ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa marar badan oo hore sheegtay in ay mudaddii ay jirtay siweyn ula dagaalantay arintan, taasoo keentay caalamku ku kalsoonaado maamulka Maaliyada dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]