Khamiis, July 03, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa xalay lagu toogtay madaxa hay’adda maxaliga ah ee Tawakal, Xuseen Muqtaar waxaana toogtay kooxo bastoolado ku hubeysnaa.
Xuseen Mukhtaar ayaa lagu dilay meel ku dhow gurigiisa, iyadoo kooxihii dilkiisa fuliyay ay markiiba goobta ka baxsadeen, iyadoo dilka kaddib ay goobta soo gaareen ciidan ka tirsan kuwa dowladda oo xiray waddooyinka soo gala halka uu dilku ka dhacay.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn looga yaqaanno Baydhabo kaasoo ka shaqeyn jiray dhinaca samafalka, lamana oga illaa hadda sababta keentay inay kooxahan hubeysan beegsadaan.
Dilka mas’uulkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ciidamada ammaanka ay ka wadeen magaalada tan iyo markii ay billaabatay bisha ramadaan howlgallo lagu xoojinayo ammaanka, iyagoo habeenkii socod ku mara waddooyinka magaalada.
Allaha u naxariistee Xuseen Mukhtaar ayaa wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyay oo lagu dilo Baydhabo tan iyo markii uu Ramadaanku billowday, iyadoo arrintani ay cabsi weyn gelisay shacabka Baydhabo.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya