Hormuud Foundation oo kaalmo lacageed u Qaybisay 1,000 Qoys (SAWIRRO)


Khamiis, July 03, 2014 (HOL) — Hay’adda Hormuud Foundation oo ayaa Muqdisho ugu qaybisay deeq lacageed illaa 1,000 qoys oo agoonleey ah, iyadoo deeqdan ay qayb weyn ka tahay kaalmooyinka ay hay'addan la garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Munaasabadii deeqdan lagu bixinayay oo lagu qabtay Hotelka City Plaza ee Muqdisho ayaa waxaa kas qayb-galay, masuuliyiinta shirkadda Hormuud Telecom Foundation, maamulka degmada C/casiis, waxgarad kala duwan, qoysaska agoonta ah iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha hay’adda Hormuud Telecom Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in deeq lacageed oo gaareysa 100,000 oo doollar ay maanta u qaybiyeen 1,000 qoys oo agoon ah, isagoo sheegay inay siiyeen qoyskiiba lacag gaareysa $100 (boqol doollar).

“Deeqdan aan manta u qaybinay 1,000 qoys ee agoonleyda ah waxaan ugu talo-galnay iay u kaalmeystaan bishan barakeysan ee Ramadaan,” ayuu ayuu yiri Cabdullaahi Nuur oo ka hadlay munaasabaddii maanta lagu bixiyay deeqdan lacageed.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in deeqdan ay qayb ka tahay kaalmooyinka ay hay’addu ugu talo-gashay bishan barakeysan ee Ramadaan inay gaarsiiso dadka jilicsan ee bulshada Soomaaliyeed ka tirsan.

“Deeqdan ma ahan tii ugu horreysay ee aan bixino bishan Ramadaan mana noqon doonto tii ugu dambeysay, maalmihii lasoo dhaafay waxaan kaalmooyin isugu jira lacago, dhar iyo raashin gaarsiinay isbitaalo, curyaamiin boqolaal gaaraya iyo sidoo kale maxaabiista ku jira xabsiga dhexe, waxayna Hormuud Telecom Foundation sii wadi doontaa inay intii karaankeed ah kaalmooyso dadka dhibaateysan,” ayuu intaa ku daray guddoomiyaha hay’adda.

Sidoo kale, C/llaahi Nuur ayaa ku dheeraaday waxqabadka hay’adda muddadii ay jirto ooh al sano ah; isagoo sheegay in mashaariic kala duwan iyo kaalmooyin ay gaarsiiyeen gobollada dalka qaarkood sida Jubbada Hoose, Bay, Shabeellooyinka, Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo gobollo kale.

Sheekh Cumar Salaad oo ah guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Hormuud ayaa isna mnunaasabadda ka jeediyey cashar diini ah oo ku saabsan fadliga bisha Ramadaan iyo sida loogu baahan yahay in loogu kaalmeeyo dadka jilicsan sida agoonta.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka hadlay guddoomiyaha degmada Cabdulcasiis, Cismaan Muxyadiin Cali iyo waxgarad kala duwan oo uu ka mid ahaa Ugaas Cabdi Daahir, kuwaasoo dhammaantood ku ammaanay Hormuud Foundation waxqabadka ballaaran ee ay la garab-taagan tahay bulshada Soomaaliyeed kuwooda jilicsan; iyagoo ku boorriyay inay dadaalkeeda sii wado, waxayna shirkadaha kale ee dalka ka jira ugu baaqeen inay ku daydaan Hourmuud Foundation.

Qoysaska agoonta ah ee deeqdan ka faa’iideystay ayaa uga mahadceliyey Hormuud Foundation kaalmada ay siisay oo ay sheegeen inay kusoo aaday xilli ay baahi badan u qabeen ayna u kaalmeysan doonaan inay soonka bishan Ramadaan, iyagoo u duceeyay Hormuud bedelka kheyr badan oo barako leh.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya