Khamiis, July 03, 2014 (HOL) — Hay’ado dhowr ah oo ka shaqeeya miino-baarista ayaa isaga baxay gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya, iyadoo ka bixidda gobolka lagu sheegay dhaqaale la’aan.
Deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud oo ayay hay’adahan isaga baxeen, iyadoo uu ka hadlay ka bixintaankooda gobolka guddoomiyaha dowladda Somalia ee gobolkaas, Xuseen Cali Weheliye Cirfo.
“Waxaa nasoo gaaraya in ha’yadihii ka shaqeyn jiray miinooyinka ay isaga baxeen deegaanno gobolka ka tirsan, ka bixintaakoodana waxaa lagu sheegay mid dhinaca dhaqaalaha la xiriirta, balse waxaan codsanaynaa in hay’adahaas ay dib ugu soo laabtaan xafiisyadoodii oo ay howllahooda sii wataan,” ayuu yiri Cirfo.
Guddoomiyaha oo sii hadlayay ayaa sheegay in gobolka Galguduud uu yahay kan ugu dhibaatada badan gobollada dalka marka la eego dhinaca miinada, wuxuuna xusay in xilli walba ay dadka iyo duunyada gobolka ku nool dhibaato ku hayso miino ku aasan deegaanno gobolka ka tirsan.
“Sannadkii 2010 ayay ahayd markii mas’uuliyiinta ha’yadaha miinooyinka baara lagu wargeliyay inay xoojiyaan howlahooda gobolka, maadaama deegaanno aad u badan oo gobolka ka tirsan ay dadka rayidka ah ku dhibaateeyaan miinoooyinka,” ayuu hadalkiisa ku daray Cirfo.
Dhanka kale, wuxuu dowladda Soomaaliya ka dalbaday inay gacan ka geystaan sidii hay’adahan ay dib ugu soo laaban lahaayeen gobolka ayna howlahooda u sii wadan lahaayeen, isagoo xusay in gobolka uu u baahan yahay hay’ado ka shaqeeya dhanka miino-baarista.
Gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay inta badan waxyeellada xooggan ugu geysato miinada dadka rayidka ah, iyadoo gobolkaas qaybo ka mid ah ay ku dagaalameen ciidamadii Somalia iyo kuwii dalka Itoobiya xilligii uu jiray dagaalkii labada dal u dhexeeyay.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya