XASAN SHEEKH: Hay’adaha Ammaanku waa in ay Baaraan Dilkii Xildhibaanka


Khamiis, July 03, 2014 (HOL) — Madaxeweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dilkii maanta Muqdisho loogu geystay mudane Maxamed Maxamuud (Xayd) oo ka mid ahaa xlidhibaanadda baarlamaanka Soomaaliya iyo askarigii ilaalada u ahaa.

Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyeeya dilka, isagoo Alle uga baryay mudanaha inuu ka waraabiyo jannadiisa ehelladiisiina Samir iyo iimaan ka siiyo. Isagoo intaas kaddib amar ku siiyay hay’adaha ammaanka ee ku shaqada leh ka hortaga iyo dabal-galka arrimahaan inay si deg-deg ah war uga keenaan falkaan iyo falalka noocaan oo kala ah ee ka dhacay Muqdisho.

“Hay’adaha amniga shaqadoodu waa inay ka hortagaan falkan oo kale noocii ay doonaanba ha ahaadeene, waana inay sababa soo cadeeyaan. Hay’adaha amniga waa inay sameyaan baaritaan natiijadiisa aan ka sugi doonno. Shacabka uma dul-qaadan karo sii socoshada dilalka qorsheysan ee Al-shabaab ay geysanayso,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa intaas ku daray:” Kooxaha dhagar qabayaashu ee rabitaankooda yahay inay ummadda argagixiyaan xilli Ramadaan lagu jiro waxaan leeyahay dhammaan mas’uuliyiinta dalka, ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed waa inay u diyaar garoobaan sidii kooxahaas la isaga qaban lahaa.”

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa sheegay in cadaaladda la horkeenayo kooxahii ka dambeyey dilka xildhibaanka iyo dilalka kaleba isagoo ugu baaqay shacabka inay ciidamada ammaanka ku garab-siiyaan sidii kooxahan sharciga loo horkeeni lahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya