Khamiis, July 03, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkii xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd loogu geystay maanta Xamar-weyne oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.
Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab ayaa sheegay inay ciidamadooda maanta ku dileen gudaha magaalada Muqdisho xildhibaan ka tirsan baaramaanka Somalia oo uu ku tilmamay mid kasoo horjeeda shareecada Islaamka.
“Xoogaggeennu waxaa u suurogashay inay maanta ku toogteen Muqdisho mid ka mid h xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, howlgallada lagu beegsanayo xildhibaannadana way sii socon doonaan,” ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.
Mudanaha ayaa waxaa toogtay kooxo hubeysan oo watay gaari noociisu ahaa Surf oo ku hubeysnaa bastoolado iyo qoryo ku hubeysnaa, kuwaasoo baabuurkoodii ku hor-gooyay gaarigii ay xildhibaannadu wateen, iyagoo halkaas ku dilay xildhibaan Xeyd iyo askari ilaalo u ahaa, isla markaana dhaawacay xildhibaan Coonka iyo mid ka mid ah shaqaalaha rayidka ah oo xildhibaanka la socday.
Gaariga ay wateen xildhibaanadan ayaa waxaa lagu weeraray meel ku dhow saldhig booliis, iyadoo kooxihii dilka geystay ay baxsadeen, waxaana tani ay muujinaysaa in ciidamada ammaanka dowladdu ay ku guuldarreysteen inay amniga sugaan.
Dhawaan ayay ahayd markii wakiilka Al-shabaab ee Muqdisho iyo afhayeenka howl-gallada ee Al-shabaab ay sheegeen inay xoojin doonaan qorshayaasha sida gaarka ah loogu ugaarsanayo xubnaha dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ka socda.
Sidoo kale, isla maanta waxaa lagu dilay degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir askari ka tirsan dowladda hoose, kaasoo kooxo hubeysan ay ku toogteen bartanka suuq lagu magacaabo suuq Boocle.
Toogashada xildhibaanka iyo labada askari ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu madaxweynaha Soomaaliya sheegay inay sameeyeen barnaamij cusub oo ay ugu magac-dareen nabad ku afur, kaasoo lagu adkeynayo amniga caasimadda inta lagu jiro bisha Ramadaan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya