Khamiis, July 03, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa goor-dhow ku toogtay Muqdisho Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo ka mid ahaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya halka ay dhaawaceen xildhibaan, Cabdullaahi Axmed Coonka.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in xildhibaannadan lagu rasaaseeyay gaari ay wateen oo marayay degmada Xamar-weyne, iyadoo aanay jirin cid sheegatay mas'uuliyadda dilka loo iyo dhaawaca loo geystay xildhibaannadan.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in kooxaha hubeysan ay gaari ku horgooyeen gaarigii ay wateen xildhibaannadan ayna rasaas ku fureen.
Sidoo kale, guddoomiyaha Xamarweyne, Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa u sheegay warbaahinta in dilka uu ka dhacay agagaarka Hotel Central ee degmada Xamar-weyne, ayna xildhibaannada toogteen dabley wadatay gaari Surf ah, kuwaasoo toogashada kaddib goobta ka baxsaday.
"Xildhibaannadu waxay kasoo baxeen hoteelka, markii ay gaarigooda fuuliyeen oo ay ka dhaqaaqeen goobta ayaa waxaa toogtay rag hubeysan oo gaari Surf ah watay, nasiib-darro waxaa u suuro-gashay inay baxsadaan," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xamar-weyne.
Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobtii xildhibaannada lagu rasaaseeyay, iyagoo sameeyay baaritaanno hordhac ah, balse ma jirto cid weli ay gacanta ku dhigeen, iyadoo tani ay qayb ka tahay falalka ammaan-darro ee kusoo badanaya xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.
Kulankii baarlamaanka Soomaaliya uu yeelan lahaa ayaa loo baajiyay geerida ku timid xildhibaanka ka tirsan baarlamaanka iyo dhaawaca midka kale, waxaana ay xildhibaannadan noqonayaa kuwii ugu horreeyay oo la dilo tan iyo markii ay bisha Ramadaan billaabatay.
Wixii warar ah ee kusoo kordha arrintan waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya