Faahfaahin ku Saabsan dilkii loo geystay Mudane Xeyd iyo dhaawacii Coonka

Khamiis, July 03, 2014 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dilkii mudane Maxamed Maxamuud Xeyd maanta loogu geystay degmada Xamar-weyne iyo dhaawacii xildhibaanka kale oo lagu magacaabo C/llaahi Axmed Xuseen Coonka.

Xildhibaanka ayaa waxaa lala dilay askari ilaalo u ahaa, iyadoo la dhaawacay laba qof oo uu ku jiro xildhibaan Coonka iyo wiil ka mid ahaa shaqaalaha rayidka ah ee baarlamaanka oo xildhibaannada la saarnaa gaariga.

Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay in weerarku dhacay xilli xildhibaannadu ku socdeen baarlamaanka si ay uga qaybgalaan shir halkaas ka socday, balse kooxahan hubeysan oo wata gaariga ay ku hor-jareen gaarigooda gaarigii ay wateen, dabadeedna ay rasaas fara badan ku fureen.

“Mudanayaasha baabuurkii ay wateen wuxuu isku dayay inuu baxsado, balse taas way u suurogeli wayday markii kooxaha hubeysan ay gaarigoogii ku hor-gooyeen gaarigii ay xildhibaannadu wateen, rasaas badan ayayna ku fureen,” ayuu yir mid ka mid ah dadka deegaanka oo HOL la hadlay.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay inuu kor tagay gaariga xildhibaannadu ay wateen markii kooxaha hubeysan ay dhaqaaqeen uuna ku arkay maydka Xeyd iyo askarigii ilaalada u ahaa oo gaariga dhex-yaalla.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Xamar-weyne Cabdulqaadir Maxamed C/qaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarka lagu dilay xildhibaan Xayd iyo askarigii u ahaa ilaalada, sidoo kalena lagu dhaawacay xildhibaan C/llaahi Coonka iyo mid ka mid ah shaqaalaha rayidka ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

Balse xildhibaan C/llaahi Axmed Xuseen (Coonka) oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in uusan jirin dhaawac soo gaaray weerarkaas, isagoo sheegay inuu gaariga la saarnaa xil. Xayd oo ku dhintay weerarkaas.

“Waxaan u qabannay dilkan ilaalada hoteel oo goobta ku sugnaa markii uu dilku dhacayay iyo dad kale, baaritaanno ayaana lagu sameyn doonaa,” sidaas waxaa warbaahita u sheegay guddoomiyaha degmada Xamar-weyne.

Ugu dambeyn, weerarkan ayaa waxaa sheegatay mas’uuliyaddiisa Al-shabaab oo ku goodisay inay sii wadi doonto weerarrada lagu beegsanayo mudanayaasha golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya