Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo ka hadlay dilkii Xildhibaan Xayd

Khamiis, July 03, 2014 (HOL) — Wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa si adag u cambaareeyay dilka loo geystay xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo ahaa ka mid ahaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo maanta lagu dilay degmada Xamar-weyne.

Danjire Nicholas Kay ayaa dareen ka muujiyay weerarrada ka socda caasimadda oo ay sheeganayso Al-shabaab, weerarradaas oo billowday bishan Ramadaan laguna dilay tiro ka mid ah ciidamada dowladda iyo dad rayid ah. 

Xildhibaan Xayd iyo askari ka tirsan ciidamada ayaa la dilay iyagoo gaari ku socday magaalada Muqdisho saakay. Xildhibaan kale oo ka tirsan baarlamaanka oo gaariga kula jiray ayaa la dhaawacay, xubin ka mid ah shaqaalaha rayidka ee baarlamaanka oo isna la socday ayuu dhaawac fudud soo gaaray.

“Waxaan ka naxay geerida ku timid xildhibaan Xayd. Waan cambaareynayaa dilka xildhibaanka. Bisha Ramadaan waa bil nabadeed iyo dib u heshiisiineed; Sidaas awgeed in la geysto dilkan naxariis-darrada ah bishan barakeysan gudaheeda waa mid ku tusaysa arxan la’aanta ay kooxaha falkan geystay u hayaan Soomaalida,” ayuu yiri danjire Kay.

Isagoo sii hadlaya ergayga ayaa wuxuu yiri: “Waxaan ugu baaqayaa mas’uuliyiinta dowladda inay sameeyaan dadaal kasta oo suuro-gal ah si dambiilayaasha loo hor keeno cadaaladda sida ugu dhaqsiyaha badan. Waxaa naga go’an taageerada aan u hayno dadka Soomaaliyeed iyo wakiilladooda kuwaasoo ku howlan sidii lagu xaqiijin lahaa mustaqbal nabad iyo xasilloonida dalkooda.”

Ugu dambeyn, ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa tacsi kal iyo laab ah u diray qoyskii iyo asaxaabtii uu ka geeryooday mudanaha iyo askargiii la geeriyooday. Sidoo kale wuxuu tacsi u diray baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna u rajeeyay intii dhaawacantay in dhaqso ay u soo bogsadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya