
Isniin, Janaayo 05, 2015 (HOL) — War-saxafaadeed uu soo saaray Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee (NUSOJ) ayaa lagu cambaareeyay xarigga laba wariye oo ka tirsan Radio Goobjoog oo ka mid ah kuwa ka howlgala Muqdisho, wariyeyaashaas oo ay ciidamada dowladdu xabsiga u taxaabeen gellinkii dambe shalay.
Max'ed Salaad Cusmaan oo ahaa madaxa barnaamijyada ee Radio Goob-joog iyo Ibraahim Xaaji Yuusuf oo ka mid ahaa wariyeyaasha idaacadda ayaa la xiray xilli ay doonayeen inay warbixin ka sameeyaan qaraxii ka dhacay degmada Waaberi. Iyadoo NUSOJ ay sheegtay in wariyeyaashan lagu xiray xabsi aan illaa hadda la aqoon.
“Idaacadda Goobjoog ayaa xalay warisay in labada wariye la xiray xilli ay doonayeen inay warbixin kasoo sameeyaan qaraxii ka dhacay agagaarka Afasiyooni ee degmada Waaberi,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay NUSOJ.
NUSOJ ayaa xariga wariyeyaashan ku tilmaamay mid ka xadgudub ku ah xorriyadda iyo madaxbannaanida saxaafaddda, iyagoo ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu sii daayo wariyeyaashan.
“Xariga wariyeyaashan waa mid kasoo horjeedda xorriyadda saxaafadda iyo tan hadalka,” ayuu yiri xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim oo intaas ku daray. “Waxaan ku baaqaynaa in si shuruud la’aan ah lagu sii-daayo wariyeyaashan, lana xushmeeyo xorriyadda saxaafadda iyo midda hadalka.”
Wariyeyaashan ayaa xariggooda wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in maanta oo Isniin ah maxkamadda gobolka Banaadir ay kasoo muuqdaan wariyeyaal ka tirsan idaacadaha Shabeelle iyo SKY FM oo tan iyo Ogoostadii lasoo dhaafay xirnaa.
Si kastaba ha ahaatee, maalintii Sabtida ahayd ayay ahayd markii ciidammo ka tirsan kuwa nabadsugidda dowladda Soomaaliya ay xabsiga u taxaabeen saddex wariye oo ka tirsan idaacadda Risaala, iyadoo sidoo kalena hawada laga saaray idaacaddaas.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya