Isniin, Janaayo 05, 2015 (HOL) — Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qatar ayaa ku guuleystay tartan kubadda cagta ah oo ay qabanqaabadiisa lahayd shirka shidaalka Qatar ee QAPCO, kaasoo lagu soo gaba-gabeeyay Dooxa.
Tartankan ayaa waxaa ka qaybgalay kooxo ku cayaarayay magaacyada jaaliyadaha ku nool Qatar oo ay ka mid yihiin kuwa Soomaaliyeed ee ku nool nool dalkaas..
Gabagabadii tartanka oo ay isugu soo hareen Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo koox kale oo ku cayaaraysay magaca shirkadda QAPCO waxaa tartankan ku guuleystay Jaaliyada Somalida ee dalka Qatar, iyagoo kooxdii kasoo horjeedday uga badiyay 3-0.
Munaasabad abaal-marin lagu guddoonsiinayay cayaartoyda Soomaaliya ee ka guuleystay kooxdii QAPCO ayaa lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, iyadoo munaasabadda ay ka qaybgaleen mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Qatar.
Xafladda ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin safaaradda Somalia ee dalka Qatar iyagoo u jeediyay cayartooyda Soomaaliyeed hadallo dardaaran iyo dhiirri-gelin isugu jiray, iyadoo kooxdii magaca Jaaliyadda Soomaaliyeed la guddoonsiiyay abaal-marinno kala duwan.
Dhanka kale, ciyaartoyda Jaaliyada Soomaaliyeed ayaa lagu amaanay sida ay u muujiyeen ciyaar-wanaagga intii ay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee u dhexeysay iyaga iyo dalka u ciyaaraysay ee QAPCO.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






