Ciidammo Itoobiyaan ah oo Gaaray Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan


Isniin, Janaayo 05, 2015 (HOL) — Ciidamo fara badan oo Itoobiyaan qaybna ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa gaaray degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, kuwaasoo la sheegay inay gudbin doonaan raashin gargaarka ah oo ku wajahan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan iyo iyo degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Duqa degmada Buulo-burte Cismaan Geeddi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidammo Itoobiyaan ah oo fara badan ay soo gaareen degmada ayna gudbin doonaan raashin ay wasaaradda arrimaha gudaha Somalia ugu talo-gashay in loo qaybiyo dadka ku nool degmooyinka Maxaas iyo Ceelbuur.

“Waxaa degmada soo gaaray ciidammo Itoobiyaan ah oo ka tirsan AMISOM oo gudbin doona raashin gargaar ah oo ku socda Buulo-burte, dhawaanahan ayaana la filayaa inay gaadiidka sida raashinkan gargaarka ah ka kexeeyaan degmada,” ayuu yiri Cismaan Geeddi.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamadan aysan qayb ka ahayn kuwo loogu talo-galay inay degmada ka howlgalaan, laakiinse howshoodu ay tahay inay baabuurta gargaarka sida kexeeyaan.

“Gargaarkan waa mid loogu talo-galay in lagu caawiyo dadka shacabka ah ee ku sugan degmooyinka go’doominta ay gelisay Al-shabaab, innagana waxaa naga go’an inaan sidii loogu talo-galay u qaybinno,” ayuu hadalkiisa ku daray duqa Buulo-burte.

Dhanka kale, Cismaan Geeddi ayaa sheegay in gargaarkan ay xoog kusoo gaarsiiyeen degmada ciidamada dowladda Soomaaliya, shacabka ku nool Buulo-burtena loogu talogalay sideed gaari, ayna u qabin doonaan sida loo kala daran yahay.

“Raashinka loogu talo-galay shacabka Buulo-bute ku nool waa sideed gaari oo keliya, mana ahan wax ku filan, waayo degmadu muddo sanad ah ayay go’doon ku jirtay, waxaana shacabka ugu qaybin doonnaa sida ay u kala daran yihiin. Lama dhihi karo waa mid ku filan, balse waa mid dhiig-joojin ah,” ayuu hadalkiisa ku daray duqa Buulo-burte.

Si kastaba ha ahaatee, degmooyinka Buulo-burte, Maxaas iyo Ceelbuur ayaa waxay ka mid yihiin degmooyinka gobollada Hiiraan iyo Galguduud ee ay go’doominta gelisay Xarakada Al-shabaab, kaddib markii laga qabsaday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya