Ururka Dib u Dhiska Soomaaliya oo Muqdisho Looga Dhawaaqay (SAWIRRO)


Isniin, Janaayo 05, 2015 (HOL) — Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Muqdisho ayaa lagu qabtay Axadii shalay munaasabad lagu daaha looga rogay Ururka dib u dhiska Soomaaliya - Somali Rebuilding Organization – ee (SRO) loosoo gaabiyo, iyadoo ururkan horay looga furay Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Munaasabadda furitaanka ururkan waxaa kasoo qayb-galey qaar ka mid ah xidlhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, siiyaasiyiin, ganacsato, aqoon-yahanno, dhallinyaro, haween, waxgarad, qaybaha kala duwan ee bulshada.

Guddoomiyaha  ururka cusub ee SRO, Cumar Yuusuf Nuur ayaa ka sheekeeyay sababta ay ururkan cusub oo aan horay uga jirin Somalia u fureen, isagoo inay tahay sidii wax badan loogu qaban lahaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dib u dhiska dalka. Wuxuuna intaas ku daray in qof kasta oo Somali ah uu u furan yahay ka qayb-qaadashada dib u dhiska dalka.

“Muddo 23-sanadood ah ayaa ku jirnay burbur, marka waxaan doonaynaa inaan ka qayb-qaadanno dib u dhiska dalka, isla markaana waxaan xafiisyo ka furan doonnaa dhammaan gobollada dalka,” ayuu yiri Cumar Yuusuf.

Sidoo kale, guddoomiyaha ururka SRO ayaa xusay in ururka uu wax ka qabanayo arrimaha waxbarashada, gaar ahaan sidii dhallinyarada ay ugu dhiirri-gelin lahaayeen waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo adeegyada asaasiga ah ee bulshada Soomaaliyeed. isagoo dadka Soomaaliyeed ku boorriyay inay dalkooda wax u qabtaan intii ay sugi lahaayeen gacan shisheeye.

Xubnihi kale ee kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa xog-hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Amiin Sh. Cilmi wuxuuna sheegay in maamul ahaan ay soo dhaweynyaan ururkan cusub ee howsha uu qaban doono ay tahay dib u dhiska dalka, isagoo ku boorriyay madaxda ururka inay xoogga saaraan baahida bulshada, gaar ahaan adeegyada kala duwan ee bulshada.

Dhanka kale, waxaa munasabadda ka Hadlay agaasimaha Rugta Ganacsaiga Soomaaliya, Cabdi Abshir Dhoore oo isna sheegay in rugtu ay gacmo furan kusoo dhaweynayso ururkan cusub, isagoo xubnaha ururka SRO uga digay in ururka laga dareemo inuusan ku lug lahayn qabiil iyo wixii la mid ah.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay, daraasad uuu sameeyan ururka oo ku saabsan baahida bulshada ee dalka ka jirta.

Xasan Axmed Sadiiq oo ku hadlayay magaca bulshda rayidka ah ayaa isna sheegay inay si weyn u soo dhaweynayaan ururkan cusub ee dib u dhiska Soomaaliya; wuxuunu tilmaamay in ururkan uu daboolaya baahida bulshada Soomaaliyeed oo uu xusay inay muddo dheer kusoo jireen colaado sokeeye iyo burbur, isagoo bulshada ugu baaqay inay ururkan cusub la shaqeeyaan.

“Dhismaha ururkan wuxuu kusoo beegmayaa xili baahi weyn ay bulshadeenu qabto, waayo waqtigaan waa xilligii loo bahnaa dib u dhiska Somalia in ayna dadka ka qaybqaataan dib u dhiska dalkooda,” ayuu yiri Sh. Cali Wajiis oo ka mid ahaa xubnihii munaasabadda ka hadlay.

Ugu dambeyn, waxaa kulanka ka hadley afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji C/weli oo sheegay in hoggaaminaysha ururkan ay yihiin kuwo uu ku yaqaanno, isla marakaana ah dad kasoo bixi kara howshan, sidoo kale wuxuu xusay inay yihiin dad waddaniyiiin ah oo si weyn uga damqabanaya dhibataada haysata ummadooda Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya