Isniin, Janaayo 05, 2015 (HOL) — Wafdi ka socda maamulka KMG ee Koonfur-galbeed Somalia uuna hogaaminayo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha maamulkaas, Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa maanta soo gaaray Muqdisho.
Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyey xubno kala duwan oo isugu jiray, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, siyaasiyiin, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Banaadir.
“Safarkeennan aan Muqdisho ku nimid waxaa uu hordhac u yahay guddi wasiirro ah oo madaxweynaha Koonfur-galbeed u xilsaaray colaada gobolka Shabeellada Hoose iyo inay gogol nabadeed dhigaan degmada Afooye,” ayuu yiri C/llaahi Sheekh.
Wasiirka ayaa sheegay in degmada Baraawe oo ah caasimada maamulka koonfur galbeed ay dhowaan booqan doonaan si ay uga shaqeeyaan sidii maamulku uu halkaas shaqadiisa uga bilaabi lahaa.
C/llaahi Sh. Xasan ayaa sheegay in gobolka Sh/hoose ay soo mareen dhibaatooyin kala duwan oo u badan colaado, wuxuuna xusay iney intii karaankood ah ay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinkaas.
“Gobolka Sh/hoose waxaa uu ka mid yahay sadexda gobol ee ugu kheyraadka badan Somalia sida bad, webi iyo Beero sidaasoo ay tahay duruufaha dowlad laaneed ee jiray awgeed sidii loo baahnaa loogama faa’iideysan,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Ugu dambeyn, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee Koonfur-galbeed ayaa sidoo kale sheegay iney jiraan qorsheyaal lagu calaamadeynayo xuduudaha ay wadaagaan gobolada Banaadir iyo Sh/hoose oo uu xusay iney hadda ka jirto isku dhex yaac badan.
C/llaahi Sheekh Xasan oo ka mid ah siyaasiyiintii mucaaradsanaa dowlada Somalia mudooyinkan ayaa ka mid noqday golaha wasiirada maamulka koonfur galbeed Somalia ee uu dhowaan magacaabay madaxwynaha maamulkaas Shariif xasan Shiikh Aadan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya