Isniin, Janaayo 05, 2015 (HOL) — Waxaa dib xorriyadoodii u helay wariyeyaal Goobjoog FM ka tirsan, kuwaas oo shalay ay xabsiga u taxaabeen ciidammo ka tirsan kuwa nabad-sugidda dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxa barnaamijyada Goob-joog, Maxamed Salaad Cismaan iyo Ibraahim Xaaji Yuusuf oo ka mid ah wariyeyaasha idaacadda ayaa waxaa shalay xiray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, xilli ay ku gudo jireen howlahooda shaqo.
“Labada wariye waxaa lasoo daayay iyagoo bad-qaba oo aanay jirin wax dhibaato ah oo ay kala kulmeen ciidamada dowladda saacadihii ay xirnaayeen,” ayaa lagu yiri war laga sii daayay idaacadda Goobjoog.

Suxufiyiintan ayaa ayaa shalay laga xiray waddada 21 Oktoobar markaasoo ay warar kasoo tabinayeen qarax ciidamada dowladda Soomaaliya lagula beegsaday meel ku dhow xerada ciidamada cirka ee Afasiyooni, kaasoo ay mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab.
Xoghayaha guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim ayaa soo dhaweeyay labada wariye sii dayntooda, isagoo sidoo kale ka dalbaday dowladda Somalia in ay sii dayso wariyeyaasha kale ee u xiran.
Si kastaba ah ahaatee, xariga wariyeyaashan ayaa waxaa cambaareyay ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaailyeed, iyagoo in suxufiyiinta la xiro xilli ay shaqooyinkooda ku jiraan ku tilmaamay mid ka horimaanaysa xorriyadda saxaafadda iyo tan hadalka.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya