Ahlu-sunna oo Sheegtay in ay Xilka ka Qaadeen Guddoomiyihii Golaha Fulinta


Isniin, Janaayo 05, 2015 (HOL) — Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ee gobollada dhexe Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay guddoomiye fulin oo cusub u doorteen Maxamed Axmed Faarax, kaddib markii uu waqtigii ka guddoomiyihii hore ee golaha fulinta, Sheekh C/risaaq Al-Ashcari.

Guddoomiyaha golaha talada ee Ahluusnna, Sheekh Cumar C/qaadir Aadan oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan deegaanka Xeraale ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in kulammo ay yeesheen kaddib ay isla garteen in ay guddoomiye cusub u doortaan golaha fulinta, maadaama uu waqtigii ka dhammaaday guddoomiyihii hore.

“Maalmahaan oo dhan golaha talada ee Ahlusunna kulammo ayay lahaayeen waxayna isla garteen maadaama uu xilligii ka dhammaaday guddoomiyihii hore ee golaha fulinta Sheekh C/risaaq Al-Ashcari inay xilka guddoomiyaha golaha fulinta u doortaan, Maxamed Axmed Faarax,” ayuu yiri Sh. Cumar.

Sidoo kale, Sheekh Cumar C/qaadir ayaa sheegay in dagaalladii ka dhacay degmooyinka Dhuuso-mareeb iyo Guriceel awgood aan xilka looga qaadin guddoomiyihii fulinta, balse uu waqtigiisii dhamaaday.

“Arrintan ma ahan mid ku timid ee waa sidii caadiga ahayd  ee Ahlusunna ay ku dhaqmi jirtay oo ahayd in markii guddoomiye xilka ka dhammaado in mid kale oo cusub lasoo doorto. Sh. C/risaaq Al-Ashcarina ma ahan mas’uulkii ugu horreeyay oo uu waqti ka dhammaado lana bedelo,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha golaha talada ee Ahlusunna Waljamaaca.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dagaalladii ka dhacay Galguduud uusan ahayn mid u dhexeeya dowladda iy Ahlusunna, balse wuxuu dowladda ku dhaliilay inay fulin wayday heshiisyadii ay horay u wada-galeen.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyihii golaha fulinta ee Ahlusunna Sheekh C/risaaq Al-Ashcari oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaan weli ka hadlin isbedelka lagu sameeyay guddoonka golaha fulinta maamulka Ahlusunna ee gobollada dhexe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya