Maxkamadeyntii Wariyeyaasha Radio Shabelle & SKY FM oo Maanta baaqatay


Isniin, Janaayo 05, 2015 (HOL) — Maxkamadeyntii wariyeyaashii idaacadaha Shabelle & SKY FM oo maanta loo ballansanaa ayaa baaqatay; kaddib markii uu maxkamadda soo xaadiri waayay Qareenkii u doodayay wariyeyaashan.

Wariyeyaashan oo kala ah; Maxamed Bashiir Xaashi iyo Maxamuud Dahir Carab oo xabisga xabsiga ku jira iyo Milkiilaha Shabelle, C/maalik Yuusuf Maxamuud iyo Axmed Cabdi Xasan oo damaanad dibadda ku joogay ayay ahayd in maanta maxkamadda ay kasoo muuqdaan.

Agaasimaha Idaacada Shabelle, Maxamed Muuse Maxamed ayaa saxaafadda u sheegay inaysan garanayn sababta uu qareenka u maqanaaday, kaasoo uu sheegay inuu muddo badan difaacayay wariyeyaasha.

“Maanta waxay maalintii la qaadi lahaa dawacad muddo dheer aan sugeynay oo ah wari-yeyaashii Radio Shabelle iyo SKY FM oo muddo shan bil ka badan ku xiran xabsiga dhexe. Waxaa nasiib-darro ah in qareenkii difaacayay uu soo xaadiri waayay maxkamadda, taasoo sababtay in dacwadii maxkamadda la joojiyo,” ayuu yiri Maxamed Muuse.

Sidoo kale, agaasimaha ayaa sheegay in qareenka 20 maalmood ka hor lagu wargeliyay in maxkamadeynta wariyeyaashan ay maanta dhacayso, shalay ilaa doraadna ay qadka taleefanka ku wada-hadlayeen, laakiinse aysan weli ogeyn sababta uu u maqnaaday.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo maxkamadeyntan baaqatay ka hadlay ayaa isna sheegay inay tahay mid murugo leh, iyagoo sheegay in wariyeyaashan ay muddo shan bilood ka badan xirnaayeen.

“Waa mid laga murugoodo maqnaashaha qareenkii u doodayay Maxamed Bashiir iyo Maxamuud Carab,” ayuu yiri xoghayaha guud ee ururka NUSOJ Maxamed Ibraahim oo ku sugnaa maxkamadda gobolka Banaadir oo lagu waday inay maxkamadeyntu ka dhacdo.

Si kastaba ha ahaatee, maxkamadda gobolka ayaa waxaa joogay ehelada wariyeyaasha iyo bahda saxaafadda oo doonayay inay maxkamadeynta ka ahaadaan goob-joog, inkastoo ay baaqatay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya